Ku Ogow Xuquuqdaada

Marka la eego ogaal la,aanta ama xog la’aanta hadda jirta ee ay heli karaan dadka imanaya Lesvos ee magangelyo ka doonaya Giriiga, Xarunta Sharciga ee Lesvos ayaa daabacday waraaqo macluumaad ah oo lagu taageerayo dadka si ay u ogaadaan xuquuqdooda xaaladaha soo socda, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah habka magangalyada ee lagu fuliyo  Lesvos, Giriiga.

 In kasta oo ay aad faa’iido u leeyihiin hordhac guud ahaan, looguma talagelin inay beddelaan kaalmada sharci ee tooska ah ee ay si shakhsi ah u bixiyaan xirfadlayaasha  ama abukataha sharciga.   Waxaan kugula talineynaa inaad la tashato qareen loo idmaday inuu ku dhaqmo sharciga Giriiga ama urur cadeynaya taageerada sharci ee ku saabsan kiiskaaga khaaska ah xaalad kasta.  Fadlan sidoo kale la soco in sharciga iyo dhaqamada ay isbedelaan, iyo iyadoo macluumaadka halkan uu yahay mid sax ah waqtiga daabacaada (Julaay 2024), waxaa laga yaabaa in dhinacyada qaar ay noqdaan kuwa duug ah oo u baahan wax ka bedel.

Haddii aad hadda deggan tahay jasiiradda Lesvos oo aad codsanayso magangelyo ama aad u baahan tahay kaalmo sharci iyo macluumaad si aad u difaacdo mid ka mid ah xuquuqahaaga, fadlan kaalay oo booqo Xaruntayada Legal, oo ku taal Mytilene oo laga heli karo Komninaki 20.  Xor ayaad u tahay inaad nagu soo booqato saacadaha xafiiskayaga si aad u hesho macluumaad ama kaalmo sharci, Isniinta ilaa Khamiista, 10 subaxnimo ilaa 2 galabnimo.   Waxaan leenahay turjubaano ku hadla Carabi, Farsi, Soomaali, Amxaari, iyo Faransiis.